Home Ciyaaraha Kooxda Ku Guulaystay Saxiixa Xiddiga Eduardo Camavinga Oo La Ogaaday, PSG, Man...

Kooxda Ku Guulaystay Saxiixa Xiddiga Eduardo Camavinga Oo La Ogaaday, PSG, Man United Mise Real Madrid. – Banaadirsom

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa in ay ku guuleysatay loolanka loogu jiro saxiixa xiddiga Rennes Eduardo Camavinga.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay waxana uu soo jiitay indhaha kooxaha Real Madrid iyo Man United kuwaas oo xiiso u qaba saxiixa xiddiga da’yarka ah.

Waxa intaas sii dheer in uu heshiiska xiddigu dhici doono xagaaga dambe xilli ay kooxda Rennes halis ugu jirto in ay xiddiga qaab xor ah ku waydo dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Inkasta oo lala xidhiidhinayo kooxaha Real Madrid iyo Man United hadana wargayska Ouest France ayaa sheegaya in ay kooxda PSG ku guulaystay saxiixa xiddiga da’yarka ah kaas oo ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee kooxda Rennes.

Kooxda Rennes ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay aqbasho lacag dhan 25 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga reer France.

Sii Akhriso: Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti Dambe Ka Fogaado.

Source link