Home Ciyaaraha Kooxaha Waaweyn Ee Premier League Oo Xiddigo Waayi Doona Kulamada Soo Socda,...

Kooxaha Waaweyn Ee Premier League Oo Xiddigo Waayi Doona Kulamada Soo Socda, Sabab – Banaadirsom

Kooxaha waaweyn ee premier League ayaa waayi doona xiddigo waaweyn oo muhiim u ah kadib fasaxa xulalka ee bisha soo socota.

Kooxaha premeir League ayaa waayi doona kulamo horyaalka ah iyo waliba kulamo champions League ah bisha soo socota sabab la xidhiidha fasaxa xulalka.

Xiddigaha kubada cagta ayaa isku diyaarinaya in ay xulalka dalalkooda kala qayb qaataan kulamada is reeb-reebka koobka adduunka ee sanadka dambe bisha Dambe September.

Laakiin kooxaha waaweyn ayaa waayi doona xiddigo muhiim u ah kooxohooda kadib marka ay xiddiguhu ka soo laabtaan waajibaadka xulalkooda bartmaha bisha dambe ee soo socota.

Xukuumada UK ayaa dajisay xeer ah in ay xiddigaha dalka ka baxa in ay galaan karantiil 14 maalin ah taas oo la macno ah in ay kooxaha waaweyn waayi doonaan muddo 2 toodbaad ah xiddigaha ka aada waajibaadka xulalkooda.

Sii Akhriso: Faah-Faahino Yar Oo Ay Gabadha Uga Fiirsato Ninka Kulankooda Ugu Horeeya, Iska Sax Arimahan Ninow.

Source link