Home Ciyaaraha Koox Premier League Ah Oo Si Lama Filaan Ah Uu Dhaqaaqaysa Cristiano...

Koox Premier League Ah Oo Si Lama Filaan Ah Uu Dhaqaaqaysa Cristiano Ronaldo, Mana Ahan Man United. – banaadirsom

banaadirsom Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo iyagoo raadinaya bedelka Sergio Aguero.

Citizens ayaa dooneysa inay la soo wareegto weeraryahan cusub ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsigu ka dib markii ay macsalaameeyeen gooldhaliyaha banaadirsom Aguero.

Xiddigaha Erling Braut Haaland iyo Harry Kane ayaa si xoogan loola xiriirinayay City, laakiin banaadirsom Man City ayaa diidan in ay bixiso lacagaha ay Tottenham iyo Tottenham dul dhigeen xiddigohooda.

Wargayska Calciomercato Ayaa haatan sheegaya in banaadirsom difaacanaysa horyaalka premier League ay isha ku hayso in ay u dhaqaaqdo xiddiga Juventus ee Cristiano Ronaldo kaas oo 6 sano ku qaatay magaalada Manchester una ciyaaray banaadirsom Man United.

Ronaldo ayaa Juventus ku qaatay 3-dii sano ee ugu dambeeyay waxana uu dhaliyay 101 gool isaga oo ciyaaray 133 kulan waxana uu caawiye ka noqday 22 gool oo kale.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 3 Ficil Oo Uu Ninku Si kama’ ah U Sameeyo Oo Ay Gabadhu Ku Jeclaato Isaga Oo Aan Ogayn.

Source link