Home Wararka Maanta Koox hubeysan dil wadareed u geysatay Aabe & carruurtiisa!

Koox hubeysan dil wadareed u geysatay Aabe & carruurtiisa!

Duleedka Deegaanka Saax-qurun ee Gobolka Mudug waxaa dil wadareed loogu geystay 4-ruux oo isku qoys ah oo kala ah 2-carruur & Aabahood Xasan Diiriye Cilmi, halka weerarkaas uu ku dhaawacmay Wiil 8-sano jir ah.

Qoysaskaan ayaa la kulmay banaadirsom dil wadareedka u geystay, kadib waxa ay ku fureen rasaasta sababtay geerida 4-ruux & dhaawaca wiilka yar sida Badweytims  ay u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Falkaan waxaa loo badinayaa dilalka la xiriira aanooyinka, saraakiisha Ciidamada Ammaanka Gobolka Mudug oo goobta tagay ayaa bilaabay howlgallo ay ku raadinayaan dadkii ka dambeeyay beegsiga qoyskaan.

Dadka ugu badan ee lagu dilo weerarada aanooyinka ah waa Qoysaska reer Miyiga ah, DG Galmudug ayaa sheegtay in ay wax ka qabaneyso dilalka kusoo kordhay Gobollada Mudug & Galgaduud.

 

Source link