Home Wararka Maanta Khudbadaha musharixiinta Aqalka Sare oo ka bilaawday Kismaayo

Khudbadaha musharixiinta Aqalka Sare oo ka bilaawday Kismaayo

Waxaa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ka bilaabatay munaasabadda hadal jeedinta iyo doorashada  qaar kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare qeybta ka imaaneysa dowlad Goboleedka Jubbaland.

Munaasabadda waxaxa ku sugan Xildhibaannada Golaha Wakiilada Jubbaland, 9 musharax eek u tartamaya Afarta kursi eek amid ah Xildhibaannada Aqalka sare, Xubno ka socda Gudiyada doorashooyinka & xalinta khilafaadka ee Heer Federaal iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland oo munaasadda daah furay ayaa sheegay in manta Jubbaland u tahay Maalin farxadeed, isla markaana ay qabanayaan doorashada qaar Xidhibaannada Aqalka Sare ee matalaya Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in Jubbaland ay noqotay maamulkii ugu horreeyay ee bilaaba doorashada Aqalka Sare, waxaana uu Xildhibaannada ugu baaqay inay xasiloonida ilaaliyaan inta ay doorashada socoto.

Musharixii ugu horreeyay oo ay gudiga doorashooyinka Jubbaland shalay diiwangeliyeen ee Ilyaas Badal Gaboose ayaa bilaabay hadal-jeedinta musharixiinta, isaga oo shaaciyay taariikdiisa o kooban iyo waxyaabaha uu qaban doono.

Musharixiinta kale ee Aqalka sare ayaa dhankooda khudbadahooda musharaxnimo jeedin doona, waxaana hadal jeedinta kadib dhici doonta doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.

Source link