Home Ciyaaraha Kasper Schmeichel Oo Ku Digtay Xulka England Ka Hor Kulankooda Caawa Ee...

Kasper Schmeichel Oo Ku Digtay Xulka England Ka Hor Kulankooda Caawa Ee Semi-final-ka. – banaadirsom

Goolhayaha xulka qaranka Denmark ee Kasper Schmeichel ayaa ku digtay Xulka England ka hor kulankooda Semi-final-ka ee caawa markii la waydiiyay in uu xulka England ku guulaysan karo koobka.

Xulka England ayaa kulanka soo galaya iyaga oo ugu cad-cad in ay gaadhaan Final-ka tartanka Euro 2020 kadib markii ay qaab ciyaareed fician soo bandhigeen.

Xulka England ayaan ilaa haatan laga dhalin wax gool ah inkasta oo ay ka hor tagayaan xulka Denmark oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tartanka ilaa haatan.

Taageerayaasha iyo wargaysada England ayaa sanadkan ku faana in uu koobku Iman doono London waxana Kasper Schmeichel la waydiiyay in uu koobku iman doono England waxana uu ku jawaabay”Miyuu markii horeba joogay”.

“Ma garan karo, miyay waligood ku guulaysteen koobka”ayuu sii raaciyay.

Source link