KASHIFAAD: 7-dii Qodob ee laga reebay war murtiyeedkii galabta Lasoo saaray





Iyadoo gelinkii dambe ee maanta lasoo saaray war murtiyeed ka koobnaa 18 qodob ayaa hadana la ogaaday in qodobo dhowr ah laga saaray oo markii hore la doonayey.

Rooble iyo murashaxiinta madaxweynaha ayaa u ololeenayey qodobadaasi balse waxaa ka hor yimid madaxweynayaasha Dawlad gobolleedyada qaar iyo Duqa Muqdisho Cumar Filish.

7 Qodob ee Laga Saaray War-Murtiyeedka waxay kala ahaayeen:

  1. In amniga iyo wax kabedelkiisaba uu xilligan xaq u leeyahay Ra’isul wasaare Rooble !
  2. In golaha uu cambaareynayo afgambigii Md Farmaajo lagu eedeeyey ee dhacay 27-kii December 2021!
  3. In Doorashada Laga dhigo hal deegaan doorasho !
  4. In la laalo ilaa 10 kursi oo muran ku jiro natiijadooda !
  5. In beesha caalamka ay qas-wade u aqoonsato qofkii loo arko in doorashada ka socon la’dahay !
  6. In Akoon la yaqaano loo sameeyo doorashada !
  7. In RW Rooble ku saxan yahay guddiyada uu kala diray, lana soo doorto guddoon cusub oo FEIT iyo mid xallinta khilaafaadka ah !

 




Source link