Home Ciyaaraha Karim Benzema Oo Balanqaad U Sameeyay Taageerayaasha Real Madrid Kadib Heshiiskii Cusbaa...

Karim Benzema Oo Balanqaad U Sameeyay Taageerayaasha Real Madrid Kadib Heshiiskii Cusbaa Ee Uu U Saxiixay Kooxda. – Banaadirsom

Xiddiga Karim Benzema ayaa ah xiddiga ugu muhiimsan Real Madrid kadib markii uu kooxda u saxiixay heshiis ilaa xagaaga 2023 waxana uu xiddigu balan-qaad u sameeyay taageerayaasha kooxdiisa.

Xiddiga reer France ayaa Taageerayaasha kooxdiisa u balan-qaaday in ay kooxdu isku diyaarinayso wakhti fiican sanadaha soo socda.

Benzema ayaa taageerayaasha kooxdiisa u sheegay in ay Real Madrid u dagaalami doonto ku guulaysiga koobka champions League xilli ciyaareedka cusub.

Karim Benzema oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi’Real Madrid mar walba waa kooxda ugu fiican adduunka, waxana aan horay Real Madrid ugula guulaystay champions League 3 jeer”.

“Waxa aan ogahay in ay adagtahay in lagu guulaysto laakiin waxa aan isku dayi doonaa in mar kale kooxda kula guulaysto champions league”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da Waaweyn.

Source link