Home Ciyaaraha Kane ➜ Man City, Traore ➜ Liverpool, Mbapp ➜ Real Madrid, Odegaard ...

Kane ➜ Man City, Traore ➜ Liverpool, Mbapp ➜ Real Madrid, Odegaard  ➜ Arsenal & Saxiixyaada Laga Yaabo In Ay Dhacaan Inta Uuna Xidhmin Suuqa Xagaagan – Banaadirsom

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayay ka hadhsantahay 17 maalin iyada oo kooxaha kala duwan wakhtiga tartan kula jiraan si ay u dhamaystiraan heshiisyada ay doonayaan in ay ku xojiyaan kooxdooda.

Inkasta oo suuqa la galiyay Lacago aad u badan hadana kooxaha ayaa wali doonaya in ay dhamaystiraan saxiixa xiddigo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda ka hor inta uuna suuqu xidhmin.

Jules Kounde  ➜ Chelsea

Banaadirsom chelsea ayaa dhankooda ku dhaw saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Sevilla ee Kounde kadib markii uu xiddigu noqday bartilmaameedka 1-aad ee tababare Thomas Tuchel si uu ugu xoojiyo daafaciisa, Kounde ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Banaadirsom chelsea.

Martin Odegaard  ➜ Arsenal

Waa xiddig kale oo lala xidhiidhinayo Banaadirsom Arsenal iyada oo Arsenal tan ilaa bilowgii xagaaga doonaysay in ay la wareegto xiddiga Martin Odegaard kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay 6-dii bilood ee uu Banaadirsom kula joogay qaabka amaahda ah.

Kylain Mbapp ➜ Real Madrid:

Banaadirsom Real Madrid ayaan wali ka quusan saxiixa xiddiga reer France ee Kylian Mbappe waxana ay diyaarinaysaa dalab lacageed oo aad u sareeya maalmaha soo socda kaas oo dhan 120 milyan si ay u hesho saxiixa xiddiga reer France.

Harry Kane ➜  Manchester City

Kabtanka England ayaa dhankiisa doonaya in uu isaga tago Banaadirsom Tottenham kadib xilli ciyaareed kale oo koob la’aan ah waxana lala xidhiidhinayaa Man City iyada oo Citizen haatanba dalab 100 milyan ah ka gudbisay laakiin laga diiday dalabkaas.

Laakiin Man City ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay Tottenham u soo bandhigto xiddigaha Sterling, Jesus, Silva iyo Mahrez hadii ay u fududaynayso saxiixiisa.

Adama Traore ➜ Liverpool

Banaadirsom Liverpool ayaa xiiso dhab ah u haysa saxiixa xiddiga Banaadirsom Wolves ee Adama Traore kaas oo ay u doonayso in ay ku xoojiso weerarka xilli ciyaareedkan ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaagan.

Liverpool ayaa Adama Traore u doonaysa in ay ku xoojiso weerarka marka loo eego in ay xiddigaha Salah iyo Mane waayi doonto bisha January inta ay ka qayb gali doonaan koobka qaramada qaarada yurub xilli ay Banaadirsom Wolves diyaar u tahay in ay ka iibiso Liverpool xiddiga reer Spain.

Philippe Coutinho➜ Premier League

Banaadirsom Barcelona ayaa wali doonaysa in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee Philippe Coutinho ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaagan waxana ay xiddiga u soo bandhigtay in ay qaab amaah ah ku helaan kooxaha premier League.

Barcelona ayaa doonaysa in ay dhinto mushaharka badan ee ay bixiso waxana ay Philippe Coutinho U soo bandhigtay premier League si ay uga saarto meesha mushaharkiisa.

Neto Arsenal:

Koxoda Arsenal ayaa suuqa ugu jirta Goolhaye Cusub waxana lala xidhiidhinayaa Goolhayaha Banaadirsom Barcelona ee Neto kaas oo la filayo in uu isaga tago Banaadirsom Barcelona inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Arsenal ayaa doonaysa in ay qaab amaah ah ku heshiis amaah ah inta lagu jiro suuqa xagaagan si ay ula tartansiiso Goolhaye Leno.

Sii Akhriso: Ma Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn, Ma Doonaysaa In Aad Soo Jiidato Qalbigiisa, Fariimahan U Dir, Shaki La’aan Wuu Badalayaa Go’aankiisa

Source link