Home Ciyaaraha Kadib Toni Kroos, Xiddig Muhiim U Ah Real Madrid Oo Bil Dhaawac...

Kadib Toni Kroos, Xiddig Muhiim U Ah Real Madrid Oo Bil Dhaawac Uga Maqnaan Doona Garoomada. – Banaadirsom

Inkasta oo uuna bilaaban xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga, Masiibada dhaawacyada ee Real Madrid ayaa bilaabatay iyada oo la xaqiijiyay xiddigii 2-aad oo garoomada ka maqnaan doona muddo bil ah.

Xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ee Ferland Mendy ayaa la sheegayaa in uu seegi doono bilowga xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga kadib dhaawac ka soo gaadhay Tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu xiddiga Ferland Mendy seegi doono bilowga xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga kadib dhaawac soo gaadhay intii uu ku jiray isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Isla wargayska ayaa sheegaya in la filayo in uu Ferland Mendy garoomada ku soo laabto bisha September ee soo socota hal bil kadib bilaabashada xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga.

Warkan ayaa imanaya saacado kadib markii la xaqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexe ee Toni Kroos garoomada muddo bil ah dhaawac uga maqnaan doono waliba seegi doono bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Jirtaan Laba Wiil Hal Mar Ku Wada Jecle, Ma Doonaysaa In Aad Dooratid Midka Adiga Kuu Fiican, Habkan Fudud Ayaa Ku Caawinaysa

Source link