Kadib Go’aankii Dowlada UK Ugu Ogolaaday Soo Laabashada Premier League, Goorma Ayay Taageerayaashu Garoomada Ka Daawan Doonaan Kulamada?

Horyaalka Premier League ayaa dib u soo laaban doona 1 bisha June kadib markii dowlada UK Ogolaansho u siisay in ay kooxuhu ciyaari doonaan kulamada bisha dambe wakhtiga ugu soo horeeya.

Ra’iisal Wasaaraha UK Boris Jonhson ayaa sheegay in ay kooxaha premier League dib u ciyaari doonaan 1 bisha dambe ee June iyada oo haatan 20 maalin inaga xigto in mar kale la ciyaaro tartanka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xaqiijiyay in aanay taageerayaal ka qayb gali doono kulamada prmeier League ilaa inta laga gaadhayo bilowga sanadka cusub gaar ahaan bisha January.

Jonhson ayaan arkin suurtagalnimada ay taageerayaasha uga qayb gali doonaan premier League ilaa inta dawo Rasmi ah looga heli doono xanuunka Coronavirus.

Taas ayaa la macno ah in kulamada premier League laga daawan doono kaliya TV-yada inta ka dhiman xilli ciyaareedkan iyo waliba qaybta hore ee xilli ciyaareedka dambe.