Home Ciyaaraha Juventus Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Spezia – Banaadirsom

Juventus Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Spezia – Banaadirsom

Kooxda Juventus ayaa guul ka gaadhay kooxda Spezia kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A.

Juventus ayaa dhibaatoonaysay tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedka iyaga oo aan gaadhin guulo muhiim ah taas oo keentay in ay Juvntus ku jirto kaalinta 12-aad ee kala saraynta horyaalka.

Daqiiqadii 28-aad ayay Juventus dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Moise Kean kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Spezia ayaa daqiiqadii 33-aad keenay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Emmanuel Gyasi kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Kooxda Juventus ayaa ahayd kooxda fiican iyaga oo maamulayay ciyaarta laakiin kooxda Spezia ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta iyaga oo ka naxsaday Juventus.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo looga horeeyo kooxda Juventus inkasta oo ay ahaayeen kooxda Fiican.

Qaybtii dambe ayay Juventus si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo dhaliyay 2 gool oo ay u dhaliyeen xiddigaha Federico Chiesa iyo mathijs de light kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Sii Akhriso: Ma jiraa Wiil Kaa Qortay Lambarkaaga, Ma Sugaysaa In Uu Kula Soo Xidhiidho, Ma Dhacday In Uu Kula Soo Xidhiidhi Waayo, Ma Is Waydiinaysaa Sababaha Ka Dambeeya, Arimahan Ayaa Sabab U Ah.

Source link