Home Ciyaaraha Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalad Dhaawac Ee Andy Robertson. – Banaadirsom

Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalad Dhaawac Ee Andy Robertson. – Banaadirsom

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhaawaca Andy Robertson kulankii saaxiibtinimo ee maanta ay la ciyaareen Athletic Bilbao.

Garoonka Anfield ayaa marti geliyay ciyaarta labada kooxood, halkaas oo ay ku kala baxeen 1-1.

Andy Robertson ayuu soo gaadhay dhaawac u muuqday mid halis ah daqiiqadii 42-aad isaga oo difaacanayay kubad uu laaday xiddig Athletic Bilbao ah.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Haatan ma garanayno sida uu u xun yahay dhaawaco laakiin xanuun xun ayuu dareemay”.

“Robertson waxa uu isku dayay in uu kubada ku difaacdo lugta Midig laakiin waxa uu xanuun ka dareemay kuraanta, laakiin waxba ma sheegi karno ilaa inta baadhitaan lagu samaynayo”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 6 Sabab Oo Ay Gabadhu Uga Boodo Ninka Kulanka Ugu Horeeya, Iska Ilaali Ninow In Aad Ku Dhacdid

Source link