Home Ciyaaraha Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Virgil van Dijk & Joe Gomoz –...

Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Virgil van Dijk & Joe Gomoz – banaadirsom

Tababaraha banaadirsom Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in ay labada daafac ee Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez fiicanyihiin xilli ay si buuxda ugu soo laabteen tababarka buuxa ee banaadirsom isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Tababaraha Reds ayaa sidoo kale war fiican ka bixiyay xaalada Trent Alexander-Arnold kaas oo dhaawac ku seegay tartanka euro 2020 iyo waliba xiddiga Joel Matip.

4-ta xiddig ayaa ka shaqaynaya in ay dib ugu soo laabtaan taam ahaansho buuxa iyaga oo ka qayb qaatay tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

“Virgil iyo Joel wali banaadirsom lama qaadan tababar buuxa laakiin waxa ay qaateen hal tababar oo buuxa, waxana ay si taxadar leh u qaadanayaan”.

“Labada xiddig waxa ay u muuqdaan kuwo fiican ma garanayo marka ay talaabada xigta qaadayaanlaakiin waxa ay dhici doontaa 4-ta todobaad ee soo socda, dabcan waxa ay qaadi doonaan talaabo weyn”.

Source link