Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Mohamed Salah Ee Liverpool. – Banaadirsom

Mohamed Salah ayaa si cad u sheegay inuu doonayo inuu sii joogo Liverpool isaga oo GQ Magazine u sheegay in uu doonayo in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Liverpool waliba uuna wax waali ah dalbanayn.

Jurgen Klopp ayaa wax laga waydiiyay hadaladii ugu dambeeyay ee xiddigiisa wuxuuna yidhi: “Ugu horrayn, maalmahan, gaar ahaan, waxaan filayaa inay khatar ku tahay arrimahan waraysiga ah marka aanad la hadlin ciyaartoyga laftiisa.

“Marka, ma jiraan wax aan la fileyn, waan ognahay, waan ogahay in Mohamed Salah doonayo in uu sii joogo, Anaguna waxa aan rabnaa in uu Mohamed Salah nala sii joogo, wadahadaladuna meel fiica ayay marayaan”.

“Aad ayaan uga xumahay arinkaas laakiin uma maleynayo inay macno samaynayso inaad ku hadasho magaca taageerayaasha sababtoo ah waxaan hubaa in taageerayaashu aysan u nixin sida adiga oo kale.


Source link