Home Wararka Maanta Jubbaland oo naqdisay socdaalkii Ra’isul Wasaaraha kuna tilmaamtay mid aysan waxba…

Jubbaland oo naqdisay socdaalkii Ra’isul Wasaaraha kuna tilmaamtay mid aysan waxba…





Xildhibaan Axmed Ismaaciil oo xubin ka ah Baarlamaanka DG Jubbaland  ayaa sheegay natiijo la’aan ku tilmaamay socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku tagay Gobollada Jubada Hoose & Gedo.

Waxa uu sheegay in sidii la rabay aanay u dhicin waan-waanta xalka loogu raadinayo khilaafka Gobolka Gedo ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka & DG Jubbaland si dib u heshiisiin & dib ugu qaadis Ciidan loo sameeyo.

Xildhibaan Axmed waxa uu tilmaamay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen in ay u bandhigeen wax ka qabashada faragelinta ay sameynayaan Xubno katirsan Nabadsugidda Soomaaliya oo weecinaya dedaallada Doorashooyinka waa sida uu hadalka u dhigay.

“Dhibaatada taagan ee u baahan in xalka loo helo waa in dib u heshiisiin la sameeyo, in la qaado Ciidanka Dowladda Federaalka ay geysatay Gobolka Gedo, in Ciidamada Nabadsugidda ee dadka qoraya in uu wax ka qabto, Ra’iisul Wasaaraha waan u sheegtay balse ma suuragelin” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Axmed Ismaaciil.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa 11-kii July 2021 dib ugu soo laabtay magaaladda Muqdisho kadib socdaal qaatay 4 maalmood oo uu ku tagay degmooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey ee DG Jubbaland.

 




Source link