Home Ciyaaraha Jota & Mane Oo Liverpool Ku Hogaamiyay Guul Ay Ka Gaadheen Burnley...

Jota & Mane Oo Liverpool Ku Hogaamiyay Guul Ay Ka Gaadheen Burnley – Banaadirsom

Kooxda Liverpool ayaa guul ay u qalmeen ka gaadhay kooxda Burnley kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa premier League Todobaadkii 2-aad ee xilli ciyaareedka.

Qaybta Hore:

Liverpool ayaa garoonkeeda oo buuxa ku ciyaaraysya markii ugu horaysay muddo sanad ah xilli ay ka hor tagayeen kooxda Burnley oo ahayd kooxdii ku bilowday guuldarooyinkii xilli ciyaareedkii hore xidhiidhka ahaa ee ka soo gaadhay garoonkooda.

Reds ayaa ciyaarta si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta ku furaan xilli ay Burnley ku difaacanaysay goolkeeda 11-ka xiddig ee garoonka ku jira.

Wiilasha Klopp ayaa daqiiqadihii bilowga ciyaarta ku dhibaatooday in ay dhaafaan difaaca kooxda Burnley kuwaas oo difaac la ciyaarayay kooxda Liverpool.

Daqiiqadii 18-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta.

Liverpool ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen in ay cadaadis saaraan kooxda Burnley kuwaas oo dhankooda u dagaalamayay in aan laga dhalin goolal kale ciyaarta.

Daqiiqadii 27-aad ayay Liverpool dhalisay gool kale waxana u dhaliyay Mohamed Salah laakiin Goolkaas ayaa laga diiday goolkaas sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray ka hor inta uuna dhalin goolka.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool si weyn u maamulaysay waliba ka awood badnayn kooxda Burnley kuwaas oo aan u ba-bac dhigin kooxda Liverpool.

Qaybta Dambe:

Liverpool ayaa qaybtii dambe ku bilaabatay si aad u liidata iyaga oo fursado badan siiyay kooxda Burnley kuwaas oo dhiiri galin ka helay wixii ay arkeen waliba bilaabay in ay weerar ku qaadaan Liverpool.

Burnley ayaa heshay dhawr fursad xilli ay Liverpool samaysay khaladaad dhinca walba ah xilli ay u muuqatay Burnley in ay dhalin karaan goolka bar-baraha.

Kooxda Burnley ayaa xitaa dhalisay gool laakiin waxa laga diiday goolkaas sabab la xidhiidha Offside waxana ay ciyaartu sii ahayd 1/0 ay Liverpool ku hogaaminaysay ciyaarta.

Daqiiqadii 69-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Sadio Mane kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool ku badisay 2/0 iyaga oo badiyay kulankoodii 2-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League siina wada bilowgooda fiican.

Sii Akhriso: Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da Waaweyn.

Source link