Home Ciyaaraha Jordan Henderson Oo Qarka U Saaran In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo...

Jordan Henderson Oo Qarka U Saaran In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Liverpool. – Banaadirsom

Kabtanka Liverpool Jordan Henderson ayaa qarka u saaran inuu mustaqbalkiisa fog u hibeeyo Banaadirsom ka dib markii la sheegay inuu heshiis cusub oo afka ah la gaadhay Reds.

Henderson oo galay labadii sano ee ugu dambeeyay heshiiskiisa Liverpool ayaa ka niyad jabay kadib markii wadahaladii heshiiska cusub bur-bureen waliba shaki weyn soo food saaray mustaqbalkiisa kooxdiisa.

Laakiin kadib wadahadalo guul leh Henderson ayaa la filayaa in uu qalinka ku duugo heshiis cusub iyo waliba hal sano oo dheeraad ah sida laga soo xigtay wargayska The Athletic.

Wararka waxa intaas ku daraya in uuna Henderson wali qalinka iyo warqada is dul dhigin laakiin la filayo in uu qalinka ku duugo heshiiska cusub maalmaha yar ee soo socda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu tababaraha Banaadirsom ee Jurgen Klopp door weyn ka qaatay in uu xaalada badalo waliba soo dhex galo heshiis kordhinta xiddiga khadka dhexe.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Qalbigaaga Ka Saartid Qof Aan Wax Jacayl Ah Kuu Qabin, Wadooyinkan Raac Si Deg-Deg Ah Ayaad Ku Iloobaysaa

Source link