Home Ciyaaraha John Stones Oo Magacaabay Xiddiga Ku Guulaysan Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican...

John Stones Oo Magacaabay Xiddiga Ku Guulaysan Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Euro 2020 – banaadirsom

John Stones ayaa shaaca ka qaaday inuu jeclaan lahaa inuu arko in xiddiga ay isku xulka yihiin ee Raheem Sterling loo magacaabay Xiddiga tartanka Euro 2020.

Sterling ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah tartanka euro 2020 isaga oo sameeyay 3 caawin sidoo kale dhaliyay gool tartanka.

Ka hor kulanka Final-ka Stones ayaa amaanay xiddiga ay isku xulka yihiin iyo qaab ciyaareedkiisa isaga oo sheegay in uu qaab ciyaareedkaas kaga filanyahay in loo magacaabo xiddiga ugu fiican tartanka.

“Waxa aan horay u sheegay in aan taageere u ahay Raheem”ayuu Stones yidhi.

“Waxa aan rumaysanahay waliba aan jeclaan lahaa in loo doorto xiddiga ugu fiican tartanka euro 2020, marka la eego waxa uu u qabtay xulka England iyo waliba in uuna ahayn bakhayl lagama hadlo”.

“Laakiin xiddiguhu way arkaan, waxa uu ahaa xiddiga ugu fiican waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican”ayuu sii raaciyay.

Source link