Home Ciyaaraha Jamie Carragher Oo Man City U Sheegay In Ay Ku Khaldameen Muhiimadooda...

Jamie Carragher Oo Man City U Sheegay In Ay Ku Khaldameen Muhiimadooda 1-aad Ee Suuqa Xagaaga. – Banaadirsom

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa Man City u sheegay in ay ku khaldameen in ay muhiimada saxiixooda ka dhigaan Jack Grealish kana horaysiiyaan Harry kane.

Man City ayaa baanka u jabisay saxiixa xiddiga Jack Grealish iyaga oo kula saxiixday lacag dhan 100 milyan oo euro kana dhigay saxiixooda ugu qaalisan taariikhda.

Laakiin khabiirka Sky Sport ayaa kooxda Premier League difaacanaysa u sheegay in ayna u baahnayn saxiixa xiddig khadka dhexe ah laakiin u baahnaayeen weeraryahan sida Harry Kane oo kale ah.

“Saxiixa Grealish wax macno ah uma samaynayo Man City difaacashada horyaalka iyo ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan”ayuu Carragher yidhi.

“Hadii ay laakiin la soo saxiixan lahaayeen kane waxa ay heli lahaayeen xiddig dhaliya 20 ilaa 30 gool xilli ciyaareedkan kuna hogaamiyo difaacashada iyo ku guulaysiga champions Leageu”.

“Arintaasna waxa ay cadaatay kulankii Tottenham”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da Waaweyn.

Source link