Jamie Carragher Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedkan. – Banaadirsom

Daaficii hore ee Liverpool Jamie Carragher ayaa aaminsan in Manchester City ay weli tahay kooxda ugu cadcad hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan inkastoo uu cadaadis kala kulmayso kooxdiisii hore ee Liverpool.

Kooxda Pep Guardiola ee Manchester City ayaa hadda fadhisa hogaanka horyaalka Premier League, iyadoo hal dhibic ka sareysa kooxda ku jirta kaalinta labaad ee Reds ka dib 17 kulan oo la ciyaaray.

“Waxa wali ugu cad-cad Man City, waxa aan rumaysanahay in ay tahay kooxda ku guulaysan karta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan’.

“Waxa ay dhibco yar u dhexeeyaan iyaga iyo Liverpool laakiin marka aad eegto in ay 7/0 kaga badiyaan leeds Waa wax cajiib ah”.

“Waxa ay dhawr todobaad ka hor ahayd markii ay chelsea 4 dhibcood ka horaysay Liverpool iyo Man City, waxana ay arintaas cadayn u tahay sida ay wax isku badali karaan”


Source link