Home Ciyaaraha Jamie Carragher & Gary Neville Oo Saadaaliyay Xiddigaha Ku Guulaysan Kara Gool...

Jamie Carragher & Gary Neville Oo Saadaaliyay Xiddigaha Ku Guulaysan Kara Gool Dhalinta Premier League Xilli Ciyaareedkan. – Banaadirsom

Khabiirada Sky Sport ee Jamie Carragher & Gary Neville ayaa doortay xiddigaha ay u arkaan in ay ku guulaysan doonaan gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Horyaalka premier League ayaa maraya todobaadkii 2-aad waxana jira xiddigo haatanba is muujiyay waliba dhaliyay goolal kadib markii la ciyaaray kulamadii 2-aad ee xilli ciyaareedka.

Xiddiga Harry Kane ayaa ahaa xiddigii xilli ciyaareedkii hore ku guulaystay gool dhalinta horyaalka premier League isaga oo hla gool kaga qaaday xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah.

Halyeeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa gool dhalinta premier League xilli ciyaareedkan u saadaaliyay xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo hal gool dhaliyay labadii kulan ee uu ciyaaray.

Dhanka kale Halyeeyga Kooxda Man United ee Gary Neville ayaa dhankiisa gool dhalinta xilli ciyaareedkan premier League u saadaaliyay xiddiga cusub ee kooxda chelsea ee Romelu Lukaku.

Sii Akhriso: Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti Dambe Ka Fogaado.

Source link