Home Ciyaaraha Jamie Carragher & Gary Neville Oo Saadaaliyay Sida Uu Horyaalka Premier League...

Jamie Carragher & Gary Neville Oo Saadaaliyay Sida Uu Horyaalka Premier League Ku Dhamaan Doono. – Banaadirsom

Jamie Carragher iyo Gary Neville ayaa labadooduba Man City u saadaaliyay in ay difaacato horyaalka premier League xilli ciyaareedkan laakiin waxa ay isku khilaafeen sida ay kooxaha kale u kala sarayn doonaan.

City ayaa guusheedii ugu horaysay gaadhay kulankii Norwich City waxana ay u dagaalami doonaan sidii ay u difaacan lahaayeen horyaalka premier Leageu.

Kadib markii la waydiiyay in difaacashada city ee horyaalku ku xidhantahay saxiixa Harry Kane Neviile ayaa ku jawaabay”Uma malanayp, waxa aan anigu saadaalinayaa Man City sababta oo ah waxa ay qabteen sanadihii ugu dambeeyay”.

“Waxan u malaynayaa in ay chelsea iyo Man United wali u baahanyihiin in ay is muujiyaan, Liverpool-na waa inay ku noqoto heerkii ay joogeen, waxa aan ognahay in ay City heer sare u ciyaaraysay muddo sanado ah”.

“Waxa jirta su’aal laga keenayo badalka Aguero laakiin waxa ay haystaan xiddigo goolal badan dhalin kara sidaas darteed uma baahna weeraryahan dhalin kara 25 ilaa 30 gool”.

Labada khabiirba waxa ay u saadaaliyeen kaalinta 2-aad kooxda chelsea kuwaas oo la soo saxiixday xiddiga Romelu Lukaku iyaga oo xitaa Lukaku u saadaaliyay Ku guulaysiga gool dhalinta premier League.

Labada Halyeey ee reer England ayaa isku khilaafay kaalinta 3-aad iyada oo uu Neviile booskaas u saadaaliyay kooxdiisii hore ee Man United halka uu Carragher u saadaaliyay kooxdiisii hore ee Liverpool.

“Waxan u malaynayaa in ay Man United haysto koox ka fiican Liverpool”ayuu Neville yidhi.

“Liverpool waxa ay haystaa shax 1-aad oo ka fiican Man United laakiin waan ognahay waxa ay dhaawacyadu ku samayn karaan liverpool, United waxa ay dhaawac ku waayi kartaa 2 xiddig boos kasta hadana way xooganaan karaan”.

Inkasta oo uu ku adkaystay in ay United u tartami karto horyaalka Carrgher ayaa hadan United u doortay kooxda aan gaadhi doonin wixii laga filayay xilli ciyaareedkan.

“Hore ayaan u sheegay in maamulayaasha kooxaha kale ay ku abtirsadeen kooxaha ugu sarreeya, inay ku guuleystaan ​​Champions League, waxaan u malaynayaa in saddexdaas maamule ay isbadal weyn sameeyaan”.

“Waxan u malaynayaa in ayna Liverpool cidna hadal hayn, xitaa anigu waan iloobay sida ay u fiicanyihiin marka ay isku soo wada laabteen”.

“Waxa qaab ciyaareedkooda dib u helay salah iyo Mane, waxan u malaynayaa in ay taageerayaasha Liverpool ku faraxsanyihiin in ayna cidna u saadaalinayn kooxdooda in ay la tartanto Man City”.

Sii Akhriso: Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti Dambe Ka Fogaado.

Source link