James Swan Oo Kenya & Itoobiya kala hadlay Xaalka Doorashada Soomaaliya

Wakiilka Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobe Uqaabilsan Arimaha Somalia James Swan Ayaa Kulamo Dhanka Qadka Internetka Ah La Qaatay Wasiirada Arimaha Dibada Dalalka Kenya, Jabuuti, Ethopia Iyo Uganda.

Kulamada Ayaa Ahaa Kuwa Si Gaar Ah Diirada Loogu Saaray Xaaladaha Doorashada Soomalia Oo waqtigeedi La Gaaray Islamarkaana Aan Wili Laisla Qaadan Iyo Xaalada Guud Ee Gobolka.

Ergeyga QM Ee Somalia James Swan Ayaa Dhinacyada Uu Kulamada La Qaatay Si Gaar Ah Kala Arinsaday Sida Looga Gudbi Karo Hubanti La”aanta Doorashada Somalia Iyo Kaalinta Amni Xaqiijinta Oo Ay qaadan Kaaran Ciidamada Dalalkan Afarta Ah Ka Jooga Somalia.

“Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan waxa uu bogaadiyey fursadda toddobaadkan tagay uu u helay in uu khadka taleefoonka kula hadlo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Yugaandha si uu uga dhageysto aragtidooda ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo gobolka xilligan xasaasiga ah”. Ayaa Lagu Yiri Qoraal Lagu Daabacay Xafiiska Qaramada Midoobe Ee Somalia.

Kulankan Waxaan Kasoo Dhex Muuqan Dalal Dhawr Ah Oo Ay Ciidamo Ka Joogaan somalia Oo Ay Ugu Sarayso Dawlada Burundi Oo Mudo Ciidamadeedu Hawlgal Amni Xaqiijin Ah Ka Wadeen Gudaha Somalia.

Kulanka Uu Wakiilka QM Ee Somalia James Swan La Qaatay wasiirada Arimaha Dibada Dalalka Kenya, Jabuti, Ethopia Iyo Uganda Ayaa Imaanaya Iyadoo Walaac Xoogan Laga Muujinayo Xasilooni Daro Siyaasadeed Iyo Mid Amni Oo Ka Dhasha Doorashada Isfahankeedu Daba Dheeraaday Ee Dalka. 6026259e71d1e