Home Ciyaaraha James Maddison Mise Martin Odegaard? Taageerayaasha Arsenal Oo U Codeeyay Xiddig Ay...

James Maddison Mise Martin Odegaard? Taageerayaasha Arsenal Oo U Codeeyay Xiddig Ay Kooxdoodu Tahay In Ay La Soo Saxiixato. – banaadirsom

Taageeryaasha Arsenal ayaa ka fal celiyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay kadib markii uu Mikel Arteta dalbaday in loo keeno kubad sameeye cusub inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Arsenal ayaa heshiis cusub ka saxiixatay Emil Smith Rowe laakiin Mikel Arteta ayaa doonaya in uu kooxdiisa ku soo daro xiddig kale oo ka ciyaara booskaas si uu u dhiso koox tartami karta.

Gunners ayaa lala xidhiidhinayaa xiddigaha James Maddison oo u ciyaara Leicester City iyo waliba xiddiga Real Madrid ee Martin Odegaard kaas oo qaab ahaam ah ugu ciyaaray Arsenal xilli ciyaareedkii hore.

Taageerayaasha Arsenal ayaa doortay in ay kooxdoodu u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga banaadirsom Leicester City ee James Maddison halkii ay u dhaqaaqi lahayd xiddiga Martin Odegaard inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Taageerayaal Arsenal ah oo dhan 42,000 ayaa ka qayb qaatay codaynta waxana ay 82% u codeeyeen in ay kooxdoodu u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga James Maddison halka inta kale ay u codaysay xiddiga Martin Odegaard.

Sii Akhriso: Sifooyinka Gabadha Quruxda Badan Ee Ay Raggu Ka Baxsadaan, Hadii Gabadhu Leedahay Sifooyinkan Ma Jiro Nin U Istaagaya

Source link