Home Ciyaaraha Jack Grealish Oo Kaligiis Ka Qaalisan Shax Wareer Ah Oo U Tartami...

Jack Grealish Oo Kaligiis Ka Qaalisan Shax Wareer Ah Oo U Tartami Karta Boosaska Champions League. – Banaadirsom

Banaadirsom Man City ayaa suuqa u jabisay saxiixa xiddiga Jack Grealish suuqa xagaagan iyaga oo kula soo wareegay xiddiga reer England lacag dhan 100 milyan oo euro si ay ugu xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe.

Inkasta oo uu xiddigu yahay xiddig fiican hadana waxa muran dhalisay lacagta ay ka bixisay saxiixiisa marka loo eego in uuna ahayn xiddig isku muujiyay kooxaha waaweyn ee horyaalka premier League.

Banaadirsom Man City ayaa xiddiga reer England ka dhigtay saxiixeeda ugu qaalisan taariikhda iyaga oo aan ka xishoon in ay ka bixiyaan lacag waali ah oo muran badan dhalisay.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in uu wargayska The Sun soo saaray shax cajiib ah oo dhamaystiran waliba u tartami karta 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier League oo laga soo bixiyay lacag ka yar inta uu Jack Grealish ugu biiray Man City.

Shaxda la sameeyay ayaa ku fadhida lacag dhan 95.4 milyan euro waana lacag aad uga yar lacagta kaliya lagu soo iibsaday xiddiga Jack Grealish.

Goolhaye: Hugo Lloris (11.3m)

Daafaca: Tariq Lamptey (3m), Jonny Evans (3.6m), James Tarkowski (3.6m), Andy Robertson (12m).

Khadka dhexe: Stuart Dallas (1.7m), Pierre-Emile Hojbjerg (15m), Yves Bissouma (15.2), Heung-Min Son (27m)

Weerarka: Jamie Vardy (1.7m), Doninic Calvert- Lewin (1.5).

Source link