Home Ciyaaraha Intee Marayaa Baacsigii Chelsea Ee Haaland, Gacanta Miyay Taagaan Mise? – banaadirsom

Intee Marayaa Baacsigii Chelsea Ee Haaland, Gacanta Miyay Taagaan Mise? – banaadirsom

Madaxweynaha Chelsea ee Roman Abramovich ayaa miisaaniyad gaar ah u diyaariyay qorshaha ay ku doonayaan saxiixa weeraryahanka Dortmund ee Haaland .

Laacikaas ayaa si weyn looga doonayaa suuqa xagaaga xilli ay isha ku hayaan kooxo ay ka mid yihiin Man City, United , Munich iyo Real , waxa uuna dhawaan laacibka u gacan haatiyay in uu u wareegayo Chelsea haddiiba uu ka tagayo banaadirsom reer Jarnal

Wargeyska Bild ee Jarmalka ayaa qoraya in Chelsea tahay haatan banaadirsom ugu xooggan baacsigiisa marka la eego qal qaalada ay kula jiraan kooxdiisa iyo wakiilka laacibka

Dortmund maadaama aysan dooneyn in si sahal ah u fasaxaan laacibkaas waxa ay dul dhigen lacag adag iyaga oo waliba dareensan in xagaaga dambe qiimihiisa ay ku iibinayaan uu noqonayo 60 milyan ayay Chelssea u muuqdaan kuwo haatan diyaar la ah in ay bixiyaan lacagta ay ku dhagan tahay Dortmund

Mulkiilaha Chelsea ayaa la xaqiijiyay in uu go`aamiyay miisaaniyad dhan 175 milyan oo euro taasi oo lagu dhameynayo hishiiska Haaland .

Sidaas oo ay tahay Chelsea waxa ay iska iibineysaa dhowr ciyaartooy si qarashka ka soo galaya ugu maalgashadaan Haaland

 

 

Source link