Home Arimaha Bulshada Imis Jeer Ayay Lamaanaha Dhawaan Is Guursaday Ku Kulmi Karaan Sariirta? –...

Imis Jeer Ayay Lamaanaha Dhawaan Is Guursaday Ku Kulmi Karaan Sariirta? – Banaadirsom


Lammaaneyaal badan, gaar ahaan kuwa dhowaan is -guursaday, ayaa laga yaabaa in ay is waydiinayaan inta ay isku tagi karaan kuna kulmi karaan kulanka sariirta gaar ahaan lamaanaha wakhti dhaw is guursaday.

Nolosha lamaanaha ayaa is badalaysa muddo sanado ah marka ay is qabaan sida lagu ogaada daraasad looga hadlay kulanka sariirta laakiin bilowga nolosha lamaanaha ma jirto tiro cayiman oo ay kulmi karaan.

Tirada kulanka sariirta ee labada qof ee is qaba:

Khubarada xiriirka galmada ayaa kula taliya lamaane kasta oo dhowaan is guursaday in ay ku kulamaan kulanka sariirta hal mar maalintii maadama kulanka sariirta ee maalinlaha ah ay leedahay faa’iidooyinka hoos ku qoran:

  • In ay isku dhawayso labada qof ee is qaba.
  • In ay yarayso dhibaatooyinka qoyska soo kala dhex gala.
  • in ay hoos u dhigto kala taga labada qof.
  • in ay Nasasho iyo xasilooni siiso lamaanaha is qaba.
  • In ay kalsooni nafta ah siiso labada qof ee is qaba.

Imisa jeer ayaa caadi ah in ay labada qof ee dhawaan is guursaday ku kulmaan sariirta?

Khubarada xiriirka galmada ayaan sheegin Tiro cayiman  oo ay labada qof ee dhawaan is guursaday ku kulmi karaan sariirta laakiin waxa fiican in ay labada lamaane ku kulmaan sariirta maalmaha, todobaadyada iyo bilaha ugu horeeya si ay u helaan wixii ay isku guursadeen oo ah raaxada guurka.

Isku soo wada duuboo hadii ay labada qof ee is qaba isku cusubyihiin waa arin iska caadi ah in ay si joogo ah ugu kulmaan sariirta maadama wakhtiga bilowga nolosha guurka ay labada qof isku qabaan xiiso dhanka rabitaanka galmada ah laakii marka uu wakhti ka soo wareego waxa fiican in ay labada qof ku soo koobaan kulanka sariirta 2 ama 3 mar todobaadkii.

Source link