Home Ciyaaraha Ibrahima Konate Oo Sharaxay Sababta Uu U Doortay Lambarka No.5 Ee Liverpool....

Ibrahima Konate Oo Sharaxay Sababta Uu U Doortay Lambarka No.5 Ee Liverpool. – banaadirsom

Ibrahima Konate ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta uu u doortay maaliyada No 5 ee Liverpool kadib markii uu dhamaystiray heshiiska uu uga soo wareegay banaadirsom RB Leipzig.

Konate ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee banaadirsom Liverpool ee suuqii xagaaga dhamaadkii bishii May markaas oo ay Reds ogolaatay lacag dhan 36 milyan oo euro isaga oo haatan tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka la qaadanaya kooxdiisa cusub.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa yimid Liverpool si uu u xoojiyo daafaca dhexe xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay kooxdu ku dhibaatootay dhaawacyo booskaas ah xilli ciyaareedkii hore.

Konate ayaa Doortay Maaliyada No.5 kadib markii uu ku biiray Liverpool isaga oo qaatay Lambarkaas oo uu baneeyay xiddiga khadka dhexe ee Gini Wijnaldum kaas oo ka tagay banaadirsom.

“Waxan u malaynayaa in uu yahay Lambarka Muhiim u ah banaadirsom”ayuu u markii la waydiiyay hadii uu Lambarku khaas u yahay isaga.

“Xiddigo waaweyn ayaa Lambarkan iiga horeeyay aniga, ma dareemayo wax cadaadis ah, laakiin waxa aan dareemayaa cadaadis yar taas oo ah in aan horumar sameeyo mustaqbalka”.

“Waxaan rajeynayaa inaan wax weyn ku qaban doono lambarkan”ayuu sii raaciyay

Source link