Home Ciyaaraha Ian Wright Oo Sheegay Sababta Looga Cabsan Doono In Lala Ciyaaro Man...

Ian Wright Oo Sheegay Sababta Looga Cabsan Doono In Lala Ciyaaro Man United Xilli Ciyaareedkan. – Banaadirsom

Halyeeyga Arsenal ee Ian Wright Ayaa sheegay in ku biirista Raphael Varane ee Man United ay ka dhigayso Red Devils koox laga cabsado in lala ciyaaro xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer France ayaa Man United ugu biiray lacag dhan 41 milyan oo euro kadib 10 sano oo uu joogay kooxda Real Madird.

Varane ayaa xoojinaya daafaca kooxda Man United, Wright ayaana aaminsan in uu saxiixiisu yahay mid cajiib ah.

Wright oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”In uu isagu ku biiro Man United haatan isaga oo ku jira wakhtigii ugu fiicnaa xirfadiisa, waa saxiix cajiib ah, waa xiddig sare”.

“Marka uu ka garab ciyaaro xiddigaha Maguire, Wan-Bissaka iyo Luke shaw waxa ay Man United helaysaa difaac laga cabsan doono in laga hor tago”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da Waaweyn.

Source link