Ian Wright Oo Arsenal U Sheegay In Ay La Soo Saxiixdaan Xiddig Premier League Ku Guulaystay. – Banaadirsom

Halyeeyga Arsenal ee Ian Wright ayaa kooxdiisii hore u sheegay in ay u dhaqaado xiddiga kooxda PSG ee Georgino Wijnaldum suuqa January si ay ugu xaliyaan dhibaatada khadka dhexe.

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa qirtay in ay kooxdiisu u baahantahay xiddig khadka dhexe ah inta lagu jiro suuqa January sabab la xidhiidha in ay wayday dhawr xiddig.

Xiddigaha Thomas Partey & Mohamed Elneny ayaa aaday waajibaadka xulalkooda ee koobka Africa taas oo la macno in ay kooxdu u baahantahay xiddig khadka dhexe ah.

Xiddigii hore ee Arsenal Ian Wright ayaa u sheegay kooxdiisii hore in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Wijnaldum si ay ugu xaliso dhibaatada daafaca.

“Waa aan maqlay in uu Wijnaldu doonayo in uu isaga tago PSG, Waa arin fiican hadii ay PSG amaah uga soo qaadato”.

“Waa xiddig khibrad leh waxana uu khadka dhexe ee Arsenal si weyn u caawin doonaa hadii uu yimaado”ayuu sii raaciyay.


Source link