Home Wararka Maanta Howlgal dad lagu qabqabtay oo laga sameeyay Gaalkacyo & Xogtii ugu danbeeysay

Howlgal dad lagu qabqabtay oo laga sameeyay Gaalkacyo & Xogtii ugu danbeeysay

Ciidamada Booliska Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa howlgallo kala duwan oo Amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay ku baarayaeen Gaadiidka iyo Guryaha qaar, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga maadaama doorasho ay halkaasi ka dhaceyso.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu qabqabtay dad lagu tuhmayo inay kamid yihiin kuwa falalka Amni darro ka geysta Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen saraakiisha in howlgallada ay sii wadi doonaa ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga Magaalada Gaalkacyo oo dhowr jeer weeraro iyo dilal ay ka dhaceen.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashada Aqalka Hoose qeybta ka imaaneysa Galmudug, waxaana siweyn loo adkeeyay Amniga Magaalada.

 

Source link