Home Wararka Maanta Horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa Afduubka ajaanibta oo gacanta lagu dhigay

Horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa Afduubka ajaanibta oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta magaalada Camaara Koonfurta Gobolka Mudug ku soo bandhigay Horjoogihii Argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa afduubka Ajaanibta.

Saraakiil ciidan oo uu Hogaaminayo Jeneraal Saadaq John oo gelinkii dambe ee shalay la wareegay gacan ku heynta magaalada Camaara, halkaasi oo ay ku qabteen horjooge Jabriil Saciid Cali Saciid, kaasi oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Afduubka Ajaanibta arrimaha Samafalka u yimaada Soomaaliya.

Horjooge Jabriil ayaa sheegay inuu horey u qafaashay Weriyeyaashii ka kala socday Dalalka Faransiiska iyo Jarmalka, kuwaasi oo uu ka qaatay lacago Madax furasho, ayna jiraan ajaanib kale oo gacantiisa ku maqan, kana afduubtay meelo ka mid ah dhulka Soomaalida.

Jeneraal Saadaq  iyo saraakiisha kale ee hogaamineysa howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta Gobolka Mudug ay soo hooyeen guulo la taaban karo, iyadoo howlgallada lagu qaarajiyay in ka badan 200 ruux oo isugu jirta maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Shacabka magaalada Camaara ayaa bogaadiyey kaalinta ciidanka qaranka iyo kuwa Galmudug ka geysteen howlgalladdii ugu dambeeyay ee ay ka fuliyeen Koonfurta Gobolka Mudug.

 

Source link