Home Wararka Maanta Hoobiyeyaal lagu weeraray madaxtooyada Soomaaliya iyo xaafadaha u dhaw dhaw

Hoobiyeyaal lagu weeraray madaxtooyada Soomaaliya iyo xaafadaha u dhaw dhaw

Dhawaaqa qaraxyo loo maleynayo inay ahaayeen hoobiye ayaa laga maqlay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Illaa shan hoobiye ayaa la sheegay inay ku dhaceen hareeraha madaxtooyada iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Waxaa laga dareemayaa cabsi xoog leh xaafadaha ku dhow dhow madaxtooyada iyadoo hoobiyaashan caawa lagu weeraray madaxtooyada ay ka sii horeysay saaka oo weerar ismaadin ah lagu qaaday taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banaadir.

Lama oga sidoo kale halka laga soo riday iyo cida sooo riday, balse dhowr jeer ooh ore ayey Al shabaab weerar ku qaadeen madaxtooyada Soomaaliya oo inta badan dad shacab ah ay waxyeelo ka soo gaarta.

Dhanka kale waxaa muuqata in amniga Muqdisho uusan cago badan ku taagneyn mar hadii madaxtooyadii Qaranka la weerarayo halkaa oo madaxda ay dagantahay.

Source link