Home Ciyaaraha Hector Bellerin Oo Mar Kale Ku Maamulka Arsenal Ku War Galiyay Go’aanka...

Hector Bellerin Oo Mar Kale Ku Maamulka Arsenal Ku War Galiyay Go’aanka Ku Aadan Mustaqbalkiisa. – Banaadirsom

Daafaca Arsenal Hector Bellerin ayaa aad u doonaya inuu ka tago Banaadirsom ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Bellerin ayaa ka niyad jabsan xaalkiisa Arsenal xilli ay kooxdu diidantahay in ay fasaxdo xiddig laakiin xiddiga ayaa diyaar u ah in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu uga Tago Banaadirsom sida laga soo xigtay The Athletic.

Daafaca Midig ayaa xiiso ka helay Inter Milan laakiin Heshiiska ayaan dhamaystirmin iyada oo Arsenal doonayso in ay xiddiga toos isaga iibsio xagaagan laakiin ayna amaah ku fasixin xiddia.

Wararka ayaa sheegaya in uu Bellerin oo uu 2 sano uga dhimantahay heshiiskiisa Arsenal in uu doonayo in uu isaga tago Banaadirsom isaga oo Mikel Arteta si cad ugu sheegay Mikel Arteta in uu doonayo in uu isaga tago Banaadirsom xagaagan.

Bellerin ayaa u muuqda mid aan ka mid ahayn qorshaha Mikel Arteta ee xilli ciyaareedkan isaga oo seegay kulankii ay Arsenal guuldarada ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Qalbigaaga Ka Saartid Qof Aan Wax Jacayl Ah Kuu Qabin, Wadooyinkan Raac Si Deg-Deg Ah Ayaad Ku Iloobaysaa

Source link