Home Ciyaaraha Harry Maguire Oo Magacaabay Kooxaha Man United Kula Tartami Doona Horyaalka Premier...

Harry Maguire Oo Magacaabay Kooxaha Man United Kula Tartami Doona Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedka Cusub. – Banaadirsom

Kabtanka Banaadirsom Man United ee Harry Maguire ayaa sheegay in kooxaha Man City, Chelsea iyo Liverpool yihiin kooxaha kula tartami doona Man United horyaalka premier Leaguexilli ciyaareedka cusub.

Banaadirsom Man United ayaa xilli ciyaareedkooda bilaaban doonta Sabtida iyaga oo la ciyaari doona Banaadirsom Leeds United waxana ay doonayaan in ay si fiican ku bilowdaan xilli ciyaareedaka.

Ku dhawaad 5 sano ayaa ka soo wareegtay markii ay Man United ku guulaystay koob maxali ah tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku qasbanaan doona in uu koob ku hogaamiyo Banaadirsom xilli ciyaareedkan.

Si ay United ugu guulaysato horyaalka waxa ay u baahanyihiin in ay si joogto ah qaab ciyaareed fiican ugu soo bandhigaan, Maguire-na waxa uu rumaysanyahay in uu noqon doono tartan dhaw.

“Waxan u malaynayaa in uu xilli ciyaareedkan noqon doono mid ka adag sidii hore”ayuu Maguire u sheegay sky sports.

“Man United waxa ay xoojisay Banaadirsom sidoo kale kooxaha kale way is xoojiyeen waxa jiri doona kooxo badan oo fiican”.

“Waxa aad horay u aragtay 10 dhibcood oo u dhexeeya Banaadirsom sidiixilli ciyaareedkii hore”.

“Dabcan Man City ayaa ku guulaystay horyaalka xilli ciyaareedkii hore waana koox adag sida iska cad waxa ay la soo saxiixdeen Jack Grealish wayna ka sii adkaan doonaans sidii hore”.

“Sidoo kale chelsea iyo Liverpool, koox kasta oo gaadha guulo badan oo xidhiidh ah waliba diirada saarta ayaa ku guulaysan doonta horyaalka laakiin anagu nafteena ayaan diirada saarynaa”.

Sii Akhriso: Ma Jiraa Qof Aad Jeceshahay Laakiin Aad Khalad Ka Gashay, Ma Doonysaa In Ay Ku Cafiso Ama Uu Ku Cafiyo, Fariintan Cajiibka Ah Ayaa Kaaga Filan

Source link