Home Ciyaaraha Harry Kane Oo Shaaciyay Go’aankiisa Kama Dambaysta Ah Ee Ku Aadan Mustaqbalkiisa...

Harry Kane Oo Shaaciyay Go’aankiisa Kama Dambaysta Ah Ee Ku Aadan Mustaqbalkiisa Tottenham, Maxaa Cusub? – Banaadirsom

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa lagu soo waramayaa in uu aqbalay in uu iskaa sii joogo kooxda Tottenham sida uu sheegayo warayska Sportsmail.

Kabtanka reer England ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Man City iyada oo la filayay in uu noqdo xiddiga ugu qaalisan suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laakiin Weeraryahanka ayaa u muuqda mid aqblay in ayna suurtagal ahayn in uu ka tago kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kane ayaa ahaa bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Man City laakiin haatan waxa ay u muuqataa in ay City dareenkooda u jeedin doonto meel kale inta uuna xidhmin suuqa xagaaga.

TOttenham ayaa ku adkaystay in uuna xiddigu iib ku ahayn wax ka yar 150 milyan oo euro taas oo keenaysa in ay Man City isaga hadho baacsiga ay ugu jirto xiddiga reer England.

Xiddiga ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray”Waxa cajiib ahayd Sacabintii aan ka helay taageerayaasha Tottenham Axadii, waxana aan akhriyay fariimihii ay ii soo direen qaar ka mid ah taageerayaasha kooxdu”.

“Waxa aan xilli ciyaareedkan sii joogi doonaa Tottenham waxana aan diirada saari doonaa sidii aan kooxda uga caawin lahaa in aan guulo ku hogaamiyo”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada

Source link