Home Ciyaaraha Halyeeyga Arsenal Ee Perry Groves Oo U Jawaabay Roy Keane Kadib Hadalkii...

Halyeeyga Arsenal Ee Perry Groves Oo U Jawaabay Roy Keane Kadib Hadalkii James Maddison. – Banaadirsom

Halyeeyga Arsenal Perry Groves ayaa ka jawaabay hadalkii Roy Keane ee ku saabsanaa James Madison.

Keane ayaa u sheegay xiddiga leicester City ee James Maddison u sheegay in uu iska diido Banaadirsom Arsenal maadama uu talaabo dib u qaadayo hadii uu ku biiro Gunners.

Gunners ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe laakiin Leicester City ayaa ilaa haatan ku adkaysanaya in ay ku iibiso xiddiga 70 milyan oo euro.

Roy Keane oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi”Arsenal waa koox weyn laakiin haatan uma malaynayo in ay ka fiicantahay Leicester City”.

“Waxa ay Maddison u noqonaysaa talaabo uu dib u qaadayo hadii uu ku biiro Arsenal sababto ah Arsenal haatan way ka hoosaysaa kooxaha kale”ayuu sii raaciyay.

Groves oo u jawaabaya Roy Keane ayaa yidhi”Roy Keane waa doqon”.

“Arsenal ayaa aad uga horaysa ugana weyn leicester City sababta oo ah waxa saaran cadaadis weyn, waxa laga filayo Arsenal iyo Leicester City way kala duwanyihiin Leicester City ayaa fiican haatan garoonka dhexdiisa laakiin Arsenal ayaa ah koox weyn”.

“Hadii uu James Maddison ku biiro Arsenal waxa lagu qiimayn doonaa sababta oo ah waxa uu u ciyaarayaa koox wenyn, hadii uu helo in uu ka ciyaari doono No.10 Banaadirsom Arsenal waa koox weyn”.

“Hadalka Roy Keane wuu saxanyahay haatan sababta oo ah Leicester Cit ayaa haatan ah Banaadirsom fiican laakiin hadii aad James Maddison tahay, ku biirista Arsenal waxa ay la macno tahay in aad heer kale u gudbaysid waliba aad helaysid fursad aad ugu ciyaartid xulka qaranka”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Hadii Aad 12-Kan Calaamad Ka Heshid Fariimaha Qofka Aad Jeceshahay Waxa Ay La Mid Tahay In Uu Qofkaasna Ku Jecelyahay.

 

Source link