Home Ciyaaraha Halka Uu Nuno Tavares Ka Gali Karo Arsenal Kadib Markii Ay Kooxdu...

Halka Uu Nuno Tavares Ka Gali Karo Arsenal Kadib Markii Ay Kooxdu Ku Dhawaaqday Saxiixiisa. – banaadirsom

banaadirsom Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Nuno Tavares kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga.

Arsenal ayaa doonaysa in uu xiddiga Nuno Tavares la tartamo xiddiga Tierney laakiin Mikel Arteta ayaa labada xiddigba wada ciyaarsiin kara si marka uu helo saxiixa xiddiga.

Laakiin Arteta ayaa ku qasban in uu badalo shaxdiisa kana dhigo 3-4-3 si uu boos ugu wada helo xiddigaha Tierney iyo Nuno Tavares oo ka wada ciyaara daafaca Bidix.

Xiddiga Tierney ayaa isagu ka ciyaari kara daafaca dhexe hadii loo baahdo isaga oo horay uga soo ciyaaray booskaas hadii ay noqoto xulka qarankiisa ama kooxdiisii hore ee Celtic.

Sidaas darteed xiddiga Nuno Tavares ayaa ka ciyaari doona garabka bidix ee daafaca oo weerarka raacsan waana xiddig awood u leh in uu ka ciyaaro booskaas marka la eego in uu awood booskaas uga ciayaro banaadirsom Benfica haatan.

blog_image

Source link