Home Ciyaaraha Halka Saxiix Ee Ay Samayn Karaan 6-da Kooxood Ee Ugu Waaweyn Premier...

Halka Saxiix Ee Ay Samayn Karaan 6-da Kooxood Ee Ugu Waaweyn Premier League Ka Hor Inta Uuna Xidhmin Suuqa Kala Iibsigu. – Banaadirsom

Waxa xidhitaanka suuqa premier League inaga xigta kaliya 8 maalin kooxaha premier League ayaana tartan kula jira wakhtiga si ay u xoojiyaan kooxohooda ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxo badan ayaa haatanba suuqa galiyay lacag badan kuwaas oo ay ku xoojiyeen kooxdooda inta uu furanyahay suuqu si ay u tartamaan inta uu socdo xilli ciyaareedkan tartamada kala duwan.

Laakiin waxa jira kooxo wali suuqa ugu jira sidii ay u xoojin lahaayeen kooxodooda una heli lahaayeen ugu yaraan min halka xiddig ee ay u baahanyihiin in ay ku xoojiyaan kooxda.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa hal saxiix ee ay samayn karaan 6-da kooxood ee ugu waaweyn horyaalka premier League inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga.

Arsenal – Kieran Trippier:

Arsenal ayaa ah kooxda lacagta ugu badan galisay suuqa ilaa haatan xagaaga laakiin waxa la filayaa in ay samayso saxiixyo cusub iyada oo uu Mikel Arteta doonayo in uu sii wado xoojinta kooxdiisa.

Xiddig ama booska ay Arsenal doonayso in ay iska xoojiso daafaca Midig ee kooxda waxana lala xidhiidhinayaa xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Kieran Trippier.

Chelsea – Jules Kounde:

Kadib markii ay chelsea baanka u jabisay Saxiixa Romelu Lukaku, chelsea ayaa haatan diirada u jeedin doonta in ay xoojiso daafaca waxana bartilmaameed u ah xiddiga Kooxda Sevilla ee Jules Kounde kaas oo bartilmaameed u ah Thomas Tuchel.

Liverpool – Jarrod Bowen:

Reds ayaa dhalisay 5 gool 2-dii kulan ee ay ciyaartay laakiin waxa ay wali Liverpool u baahantahay in ay xoojiso weerarkeeda ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga.

Shaqiri ayaa la xaqiijiyay in uu ka tagay kooxda Liverpool waxana uu Klopp bartilmaamedsanayaa xiddiga kooxda West Ham ee Jarrod Bowen.

Man City – Harry Kane:

Kooxda Man City ayaa xagaagan oo dhan ku raad joogtay saxiixa xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane waxana ay doonaysaa in ay ku buuxiso booska Sergio Aguero.

City ayaa isku diyaarinaysa in ay todobaadka ugu dambeeya isku daydo in ay la saxiixato xiddiga si ay u hesho saxiixa xiddiga reer England.

Man Utd – Eduardo Camavinga:

Mid ka mid ah diciifnimada Man United ayaa ah khadka dhexe waxana ay kooxda Red Devils la kulantay dhaleecayn xoogan iyada oo ku dhibaatootay booska khadka dhexe ee daafaca waxana lala xidhiidhinayay xididgo khadka dhexe ah xagagaan.

Man United ayaa doonaysa xiddiga kooxda Rennes ee Eduardo Camavinga kaas oo lagu heli karo kaliya lacag dhan 30 milyan oo euro

Tottenham – Adama Traore:

Mustaqbalka Harry Kane ayaa ah dhibaatada ugu weyn ee Tottenham todobaadka ugu dambeeya ee suuqa xagaagan laakiin sidoo kale waxa ay doonayaan in ay xoojiyaan kooxdooda.

Kooxda Tottenham ayaa lala xidhiidhinayaa xiddiga kooxda Wolves ee Adama Traore kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaagu.

Sii Akhriso: Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan

Source link