Home Ciyaaraha Halka Pierre-Emerick Aubameyang Ka Gali Karo Shaxda Man City Hadii Uu U...

Halka Pierre-Emerick Aubameyang Ka Gali Karo Shaxda Man City Hadii Uu U Dhaqaaqo Etihad Staduim – Banaadirsom

Kooxda Man City ayaa si lama filaan ah loola xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayuu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda Arsenal iyada oo la sheegayo in uu Mikel Arteta doonayo in uu iska iibiyo xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Man City ayaa dhankeeda suuqa ugu jirta weeraryahan cusub waxana ay ku dhibaatoonaysaa in ay Tottenham kala heshiiso saxiixa xiddiga Harry Kane kaas oo ah bartilmaameedkooda ugu weyn.

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay maalmaha ugu dambeeya suuqa dareenkooda u jeedin doonta saxiixa xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang si ay ugu xoojiso kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ah Gool dhaliye Man City ka caawin kara in ay difaacato horyaalka premier League sidoo kale ku guulaystay champions League xilli ciyaareedka cusub.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Halka uu Pierre-Emerick Aubameyang ka gali karo shaxda Man City hadii uu ku biiro kooxda xagaagan.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada

Source link