Home Ciyaaraha Hakim Ziyech Oo Chelsea Ka Caawin Kara Saxiixa Erling Haaland, Qaab Noocee...

Hakim Ziyech Oo Chelsea Ka Caawin Kara Saxiixa Erling Haaland, Qaab Noocee Ah? – Banaadirsom

Mowqifka Hakim Ziyech ee ku aaddan inuu u wareegi karo AC Milan ayaa saameyn weyn ku yeelan kara raacdada Chelsea ee Erling Haaland.

Ziyech ayaa laga yaabaa in laga diro Banaadirsom ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaagan kadib hal xilli ciyaareed oo uu joogay horyaalka premier League kadib markii uu ka baxay qorshaha Thomas Tuchel.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa chelsea ugu soo biiray 36 milyan xagaagii hore laakiin ku dhibaatooday in uu soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddiga ayaa chelsea u ciyaaray 36 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore waxana ay u muuqataa in uu ka dambeeyo xiddigaha Christian Pulisic, Kai Havertz, Mason Mount & Timo Werner.

Ziyech ayaa lala xidhiidhinayaa Banaadirsom Ac Milan suuqa xagaagan iyada oo Banaadirsom reer Italy doonayso in ay hesho xiddiga si ay ugu xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe.

Chelsea ayaa Ac Milan ka diiday heshiis amaah ah oo ay ku doonaysay xiddiga laakiin Banaadirsom ku ciyaarta ayaa qaab toos ah ula wareegi karta xiddiga sida laa soo xigtay Calciomercato.

Hadii ay Ac Milan si toos ah ula wareegto xiddiga Ziyech Chelsea ayaa u dhaqaaqi doonta bartilmaameedkooda 1-aad ee Erling Haaland si ay ugu xoojiso weerarka xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad U Xidhan Kartaa Qalbiga Gabadha Adiga Oo Aan Ku Odhan Kalamada “Waan Ku Jecelahay”. Waa Waddo Fudud.

Source link