Home Arimaha Bulshada Hadii Aad 12-Kan Calaamad Ka Heshid Fariimaha Qofka Aad Jeceshahay Waxa Ay...

Hadii Aad 12-Kan Calaamad Ka Heshid Fariimaha Qofka Aad Jeceshahay Waxa Ay La Mid Tahay In Uu Qofkaasna Ku Jecelyahay. – Banaadirsom


Markaad ka hesho farriimo qoraaleed qof ay aad u jeceshahay, waa in aad ogaato waxa ay ula jeedaan, adiga oo aan si toos ah u arkin qofka waliba aan ka ogaan luuqada jidhkooda ama in aad ka maqashid codkooda.

Waxa jira calaamado aad ku ogaan kartid in qofka aad jeceshahay ee kuu soo diraya fariimaha in uu isaguna si dhab ah kuu jecelyahay, hadii aad farriimaha ku aragto calaamadahan hoos ku xusan waxa ay la macno tahay in uu qofkaas kula wadaago jacaylka.

1.In Uu Isla Markiiba Ka Jawaabo Fariimahaaga Qoraalka ah.

2.In Uu Ka Hadlo waxyaabaha uu samayn lahaa hadii uu Agtaada joogo.

3.In uu kuu sheego hadii uuna ka jawaabi karin fariimahaaga marka aad u dirtid.

4.In Uu Jecelyahay in uu maqlo sheekooyinkaaga.

5.In Uu Doono in uu wax badan kaa ogaado adiga.

6.In Uu Kuu Soo Qoro Fariimo Dhaadheer.

7.In Uu Isagu Mar walba kaaga horeeyo Fariimaha.

8.In Uu Fariin Kuu Soo Diro Ka Hor Inta Uuna Seexan.

9.In Uu Su’aalo Badan Kaa Waydiiyo Naftaada.

10.In Uu Mar walba ku amaano.

11.In Uu Fariin kuu soo diro marka ay wax muhiim ah ku dhacaan.

12.In Uu Mar walba isku dayo in uu kaa qosliyo.

 

Source link