Home Wararka Maanta Gudoomiye Gacal oo la shiray guddiga doorashooyinka Galmudug+Qodob la isku fahmay

Gudoomiye Gacal oo la shiray guddiga doorashooyinka Galmudug+Qodob la isku fahmay





Waxaa magaalada Dhuusomareeb kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka  Galmudug Dr. Max’ed Nuur Gacal iyo Gudiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug.
Kulanka oo ahaa mid isxog-wareysi ah oo lagu kala war qaadanayey ayaa Xubnaha Guddiga waxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug warbixin ka siiyeen halka ay mareyso xaaladaha arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka  Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa dhankiisa kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran qabashada Doorasho cadaalad ah.

Gudiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa shalay ku laabtay magaalada Dhuusamareeb oo ka mid ah degaanada lagu qabanayo doorashada xubnaha labada aqal ee baarlamanka Somalia.

Galmudug ayaa la filayaa iney bilowdo ka shaqeynta doorashooyinka gaar ahaan kuwa Aqalka Sare oo maalmo kooban ay naga xigto.

 




Source link