Home Wararka Maanta Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo ku wajahan Kismaayo

Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo ku wajahan Kismaayo

Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ku wajahan Magaalada kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goballeedka Jubbaland.

Xubnahan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee ku wajahan Jubaland  oo ka kooban 5 xubnood ayaa goobjoog u noqon doona Doorashada Aqalka sare ee Senatorada kasoo baxaya Dowlad Goboleedka Jubaland oo maalinta  Khamiista ka dhici doonta Magaalada Kismaayo.

Waxaa hore ugu sugnaa Jubaland Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan ciro  iyo xubno ka tirsan guddigaas, kuwaas oo kulamo la qaatay mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa laga dareemayaa u diyaar garoowga ku aadan doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare qeybta Jubbaland ee beri ka dhaceysa halkaas.

 

Source link