Home Wararka Maanta Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa markii u horeysay...

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa markii u horeysay soo jeediyay arrin xasaasi ah oo la xiriirta lacagaha ay hesho Al-Shabaab iyo howlaha sugida Amniga ee ka socda deegaanadaas. Cabdiladiif oo hadda booqasho ku jooga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa waxa uu soo jeediyay inaysan marnaba Ganacsatadu siin argagixisada lacago baad ah oo ay isku bad-baadinayaan, halka lacagahooda lagu gumaadayo shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu xusay in lacagaha ay ganacsatadu siiyan Al-Shabaab iyo Daacish ay sii dhiiri-geliso falalka arxan darada ah ee lagu laynayo shacabka, islamarkaana ay ganacsatadu qeyb ka tahay falalkaas, maadama ay lacagta u badan baxshaan, sida uu hadalka u dhigay. “Al-Shabaab laba meel ayay lacag badan ka helaan waa Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho iyo kuwa Magaalada Boosaaso, waa in Ganacsatada ay si deg-deg ah u diidaan lacagtaas oo ay u fariistan, una midoobaan arrintaas,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdiladiif. Ad by Valueimpression Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in la toogto ganacsade kasta oo la ogaado in uu lacag siiyo argagixisada, ama’se la maxkamadeeyo, si looga waantoobo arrintaas oo dhibaato weyn ku ah dalkeena. “Waa in la marsiiyo dariiqa argagixisada ay dadka marsiiyan, waxaan jeclaan lahaa in cidii lagu ogaado in dariiqa ku toogataan, haddii ganacsato weyn lagu ogaado lacag waa in la toogta ama maxkamadeysaan.” by TaboolaYou May Like Dhageyso: Xog cusub oo laga helay arrinta Ikraan Tahliil iyo ‘waxa ay sababsatay’ – Caasimada Online Xuutiyiinta oo ka hadlay dilkii ay u gaysteen Soomaalida WIIL dhallinyaro ah oo ay dishay XAASKIISA oo u dhashay sagaal carruur ahWIIL dhallinyaro ah oo ay dishay XAASKIISA oo u dhashay sagaal carruur ah Ugu dambeyntiina waxa uu ku booriyey shacabka in loo midoobo la dagaalanka argagixisada, islamarkaana ay gaancsatada ka waantowdo lacagaha ay siinayaan kooxahaaas, midaasi oo lagu leynayo dadkooda.

Soomaaliya waxay u baahan tahay siyaasad difaacda danaheeda qaran ee muhiimka ah, kuwaasoo si adag u ilaalinaya jiritaanka dalka, iyo midnimada dadka.

Qaran walba oo dunida ka jira waxuu danahiisa iyo jiritaankiisaba ku ilaashadaa ka mid noqoshada isbahaysi ama urur (goboleed / calami). Waxaa intaas weheliya inuu xiriir dhow oo macaash siman ah la yeesho quwadaha leh awood dhaqaale, aqoon, iyo cudud ciidan.

Xukuumadihii dalka soo maray tan iyo xornimadii si waxtar leh ugama faa’iidin wanaajinta siyaasadda arrimaha dibadda marka laga reebo mudaddii yareyd ay Soomaaliya xiriirka dhow la laheed Midowgii Sofiyeeti amaseba xubin ka aheyd ururka waddamada siyaasaddooda dhexdhexaadka aheyd. Xilligaas waxuu dalka horumar ka sameeyay dhismaha ciidanka, kobcinta waxsoosaarka gudaha, warshadaynta, iyo baahinta waxbarashada.

Soomaaliya waxay si mug leh uga dhex muuqatay fagaarayaasha Afrika. Waxay door shariif ah ku lahayd xornima gaarsiintii shacuubtii ku hoos jirtay xukunkii gumaystaha, iyo la dagaallankii nidaamkii “midab takoorka” ee Koonfur Afrika.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay khuburo ciidan u dirtay waddamada dhaca Koonfurta Afrika si ay u xoojiyaan jabhadihii u halgamaye xoriyada iyo caddaaladda.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay deeq waxbarasho ciidan siisay xoogaggii hubaysnaa ee ka dagaalamayey waddamada dhaca Koonfurta Afrika, iyo Erateriya, waxayna madaxdii hoggaanka u heysay kacdoomadaas ay guddoonsiisay Basaboorka Soomaaliya si ay ugu fududaato dhaqdhaqaaqa safarada.

Waxaan la illaabi karin doorkii hiilka ahaa ee ay Soomaaliya ku lahayd xorriyada, iyo dhismaha hay’adaha xukuumadda Jabuuti.

Bishii September 1974, Soomaaliya, Tanzania iyo Geni ayaa casumaad ka helay Jabhaddii Frelimo si ay uga qeyb galaan xafladda caleemosaarka Joaquin Chissano oo hoggaaminayey dowladdii daakhiliga aheyd ee xukunka kala wareegtay gumaysigii Bortaqiiska.

Seddexdan dal ee lagu maamuusay xafladda taariikhiga aheyd waxay ahaayeen kuwii ku taakulaynayey Frelimo halganka xornimadoonka.

Maanta Soomaaliya ayaa samaynaysa mar kale taariikh kaddib, markii ay qayb ka noqotay isbahaysi meesha looga saarayo awooddii TPLF ay ku lahayd Geeska Afrika. Ururka TPLF ayaa muddo ku dhow 30 sano hayey talada Itoobbiya, waxuuna saameyn weyn ku yeeshay jaangoynta siyaasadda Geeska Afrika.

TPLF waxay muddo dheer aheyd gacanta midig ee reer galbeedka taas ayaana u suurtaggelisay inay ka gudubto xeen-daabka sharuucda caalamiga, waxayna gobolka ka geysatay gaboodfal xuquuqda aadanaha. Shaqsiyaadkii ka mas’uulka ka ahaa denbiyadaas weli lama horgeynin sharciga.

Soomaaliya ayaa dhibbane u aheyd muddo dheer siyaasadda TPLF, waxay “basaasinta” TPLF ku dhex milmeen qeybaha bulshada, gaar ahaan hoggaanka – dhaqanka iyo siyaasadda, waxaana u suurtaggashay abuurista khilaafyada, hurinta colaadaha, iyo kala qeybinta shacabka.

Shaqsiyaadka Soomaalida ee gacansaarka la lahaa TPLF ayey la yaab ku noqotay inay weyso hoggaaminta Itoobbiya iyo tan gobolka, islamarkaasna inay TPLF ku dambayso surrin ciriiri ah.

Soomaalida ku karaama seegtay fulinta ajandaha TPLF ayaa mar kale soo labakaclaysay iyagoo adeegsanaysa warbaahinta barnaamijyada ku tabiya afka Soomaaliga, gaar ahaan baraha bulshada.

Markan bartilmaameedka ayaa ah wiiqidda hay’adaha amniga, khalkhal-gelinta doorashada, iyo burburinta isbahaysiga Geeska Afrika (Soomaaliya, Itoobiya, iyo Erateriya).

John Stockwell oo ahaa madaxii CIA ee Angola ayaa yiri “hay’adda CIA waxay ku beertay macluumaad been abuur ah saxaafadda Maraykanka” (The Washington post May 9, 1978).

Stockwell ayaa ku xusay buugiisa “ In Search of Enemies” in hay’adda CIA ay u dirtay Afrika khubaro ku xeeldheer dacaayadaha sanadkii 1975.

Halkaas waxaa ka cad in hay’adaha sirdoonka caalamka ay si weyn u adeegsadaan warbaahinta, iyagoo macluumaad aan sax aheyn ku quudiya maanka bulshada, si ay u gaaraan ujeeddooyinkooda.

Qoraalka Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee ururka Midowga Afrika uu soo saaray waxay caddayn u tahay duullaanka lagu hayo madaxbannaadida Soomaaliya. Warbixinta guddiga ayaa diiradda saartay siyaasadda iyo amniga Soomaaliya.

Nuxurka warbixinta ayaa ah in maamulka siyaasadda iyo amniga la hoos geeyo Qaramada Midoobay, islamarkaasna fulinta howshaasna loo wakiisho Midowga Afrika, gaar ahaan dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya oo ay ku jiraan Kenya iyo Jabuuti.

Guntii iyo gabagabadii siyaasiga aan ku difaaci karin danaha iyo amaanka Soomaaliya meel ka baxsan xuduudaha Soomaaliya uma qalmo inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

W/Q Saciid Cabdisalaam

Source link