Home Wararka Maanta Guddiyo ka kala socda Golaha wadatashiga & Midowga Musharixiinta oo kulmaya +...

Guddiyo ka kala socda Golaha wadatashiga & Midowga Musharixiinta oo kulmaya + Ujeedad

Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada dalka kajira ayaa ogolaaday in laga wada hadlo qdoobada ay cabashoada xoogan ka keeneen midowga Musharixiinta, kuwaas oo kujira go’aanadii maalin ka hor kasoo baxay Shirkii Golaha wadatashiga Qaran.

Midowga Musharxiiinta & Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa iska soo dhex saaray Guddiyo min Saddex Xubnood ah, kuwaas oo Maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho.

Guddiyada ayaa waxaa ay kala yihiin, Saddex Xubnood oo ka socda Midowga Musharixiinta oo kala ah, C/raxmaan C/shakuur, Shariif Xasan iyo Daahir Maxamuud Geelle, halka Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ka socdaan Saciid Deni, C/casiis Lafta Gareen iyo Axmed Qoorqoor.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in kulanka looga hadli doono qodbada ay cabashada ka qabeen, sida Arrinta soo xulida ee Ergada ee odayaasha dhaqanka, kaalinta Bulshada rayidka iyo arrinta hubinta Ergada ee Hey’adda dambi baarista CID iyo qidmadaha tartamayaasha iyo ergada.

Midowga Musharixiinta ayaa shalay war kasoo baxay waxaa looga soo horjeestay habraaca doorashada Aqalka Hoose ee kasoo baxay Golaha wadatashiga Qaran, iyaga oo sheegay in wixii ay ka diideen Farmaajo aysan ka aqbaleyn dad kale.

 

Source link