Home Wararka Maanta Guddiyada amniga iyo kuwa hergelinta doorashooyinka oo soo bandhigay qorshaha amni ee...

Guddiyada amniga iyo kuwa hergelinta doorashooyinka oo soo bandhigay qorshaha amni ee doorashooda

Waxaa magaalada Muqdisho xalay kulan ku qaatay Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal iyo Guddi hoosaadka amniga ee GHDHF ee Guddiga amniga doorashooyinka dalka.

Guddiyadan amni ayaa la filayaa iney howl bilaabaan waxaana kulanka Guddiyada inta uu socday  diirada lagu saaray sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaanada labada ee Baarlamaanka Federaalka .

Guddiga amniga doorashooyinka ayaa Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal warbixin ka siiyey shaqooyinka u qabsoomay iyo diyaar garoowga ay wadaan laamaha amniga ee loogu tala-galay sugida amniga.

Guddoomiyaha Guddiga amniga ahna Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in muhiim ay tahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo howlaha sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka, isla markaana ay dardar-gelin doonaan shaqooyinkooda.

Gddiga amniga doorashooyinka ayaa isugu jira Taliyeyaasha Booliska heer Fedaraal iyo heer dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM, kuwaasi oo horey kulan ula qaatay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

 

Source link