Home Wararka Maanta Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee FIET oo tagaya Garoowe & Dhuusamareeb.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee FIET oo tagaya Garoowe & Dhuusamareeb.





Wufuud ka socota Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federal (FIET) ayaa maanta lagu wadaa in ay tagaan Magaalooyinka Garoowe oo Puntland ah & Dhuusamareeb oo Galmudug Xarun u ah.

Ujeedka Guddigaan waxa uu yahay kor joogteynta Doorashada Senatarada Aqalka Sare BFS oo todobaadka maanta bilawga ah lagu wado in ay ka dhacdo Garoowe iyo Dhuusamareeb sida Badweytims ay u xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Waxa ay la kulmayaan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Galmudug iyo wakiilada Baarlamaannada ee qabsoomidda Doorashada Senatarada Aqalka Sare BFS.

Wafdiga ka socda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal (FIET) waxa uu la kulmayaa Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni & Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale Badweytims u sheegay in maalmaha soo socda uu wafdi kale ka dabatagayo kaas oo ka socda Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban si uu goobjoog uga noqdo Doorashada Senatarada Aqalka Sare BFS

 




Source link