Home Wararka Maanta Goorma ayaa la bilaabayaa diiwaangelinta Musharixiinta Aqalka Sare BFS?

Goorma ayaa la bilaabayaa diiwaangelinta Musharixiinta Aqalka Sare BFS?

17-ka July illaa 23-ka July 2021 waa lexda Cishe ee loo qorsheeyay in lagu diiwaangeliyo Musharixiinta Senatarada Aqalka Sare ee BFS ee lagu wado in doorashadoodu dhacdo 25-ka July 2021.

Guddiga Dadban ee Doorashooyinka ayaa adkeeyay in la dedjiyo qabsoomidda Doorashooyinka Aqalka Sare BFS si loo hubiyo dhaqangalka habraaca Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Doorashada Aqalka Sare BFS waxa ay bilaw u tahay Tijaabada hubinta Jadwalka Doorashooyinka Soomaaliya, Senatarada waxaa lagu dooranayaa Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Dhuusamareeb, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo.

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabanayaa Doorashada 11-ka Kursi ee Gobollada Waqooyi Somaliland, Jowhar 8-kursi, Dhuusamareeb 8-kursi, Garoowe 11-Senatar, Kismaayo 8-Kursi iyo Baydhabo oo lagu dooranayo 8-Senator.

Dhinaca Baarlamaanada Dowlad-Goboleedyada ayaa maanta lagu wadaa in ay bilaabaan diyaarinta Guddiga wakiilka uga ah qabsoomidda Doorashada Aqalka Sare maadaama iyaga ay u codeynayaan.

Baarlamaanka DG Galmudug ayaa Arbacadii 14-ka July 2021 fadhigiisa kusoo daray ka doodista Guddiga wakiilka uga ah Doorashada Senatarada Aqalka Sare si uu ula shaqeeyo Guddiga Doorashooyinka Dadban.

 

Source link